Headlines News :
Powered by Blogger.

jowhar

jowhar

Somalia

jowhar

jowhar
">Index »'); document.write('

Index »'); document.write('

jowhar news

');
?max-results=10">Label 1');
">Index »'); document.write('

Index »'); document.write('

jowhar news

'); ?max-results=10">Label 2');

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Guudlaawe oo booqday xarumaha dowlada iyo xaafadaha Jowhar



Guddoomiyaha gobolka Shabeelaha Dhexe Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa maanta kormeeray qaar kamid ah xarumaha maamulka degmada iyo kan gobolka Sh/dhexe kadib markii toddobaadyadii la soo dhaafay uu howlo shaqo u joogay magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Cali C/laahi Xuseen ayaa waxaa uu kula kulmay xafiiskiisa guddoomiyaha degmada Jowhar Cabdqadir Buurfuule isagoo ka dhagaystay warbixin ku saabsan xaalada degmada Jowhar iyo howlaha maamulka degmada Jowhar uu ka wado magaalada Jowhar.

Cabdqadir Cabdulle Buurfuule guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa ka warbixiyay xaalada fatahaada wabiga Shabelle iyo sida maamulka degmada Jowhar uu ugu dadaalay sidii uu ugaga hortagi lahaa fatahaada wabiga Shabelle.

Cali Cabdullahi Xuseen Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe ayaa ku ammaanay maamulka degmada Jowhar dadaalka ay sameeyeen iyo sida ay ugaga hortageen fatahaada wabiga Shabelle waxana uu ku adkeeyay maamulka in uu dadaalkiisa sii wado isla markaana sii xoojiyo dadaalka.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe waxa uu soo booqday saldhiga booliska degmada Jowhar iyo maxkamada degmada Jowhar isagoo kula kulmay mas’uuliyiinta saldhiga iyo maxkamada.

Sidoo kale Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Cali Cabdullahi Xuseen ayaa  waxa uu booqday qeybo kamid ah xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar isagoo warbixino ka dhagaystay mas’uuliyiinta xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Jowhar.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa jirey warar soo baxayay oo sheegaya in shirka maamul u sameynta labada gobol Sh/dhexe iyo Hiiraan in laga yaabo in lagu qabto magaalada Jowhar,inkastoo aan si rasmi ah weli loo shaacin.

Daawo Sawirada Xarunta Alabsaar Jowhar oo 150 Ruux U Sameysay Baaris Caafimaad iyo Daweyn Bilaash ah

Mid kamid ah xarumaha caafimaad ee magaalada Jowhar ayaa bilowday inay gargaar caafimaad gaarsiiso dadka barakacayaasha ah ee magaalada Jowhar. 

Boqolaal qoys oo barkacyaal ah oo ku nool xeryo ku yaal magaalada Jowhar ayaanay jirin hay’ado ka caawiya dhinaca caafimaadka waxana ay adeeg caafimaad u doontaan isbitaalada magaalada Jowhar. Hase yeeshee xarunta caafimaadka ee Alabsaar Jowhar oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee ka dhisan magaalada Jowhar ayaa bilowday barnaamij ay ku caawinayso qoysaska barkacayaasha ah. 

Illaa iyo 150 ruux ayay baaris caafimaad iyo daweynba ka sameysay xaruntan iyadoo sidoo kale qaar ka mida ah wiilasha ku jira xeryahaas gudniin lacag la’aan ah ku sameysay. Kaaliye Sare Khaliif Maxamed Mocow ayaa sheegay in todobaad walba ay baaritaano ku sameyn doonaan bukaanada ku jira xeryaha barakacayaasha isla markaana wiilasha aan gudneyn ay ku sameyn doonaan gudniin lacag la’aan ah. 

Qoysaska barakacayaasha ah ayaa u mahad celiyay rugta caafimaadka oo u qeybisay dawooyinka, iyagoo ka codsaday inay sii wadaan howlaha ay ku gargaarayaal shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha barakacayaasha.





Qore : Yaxye Cali
 

jowhar

jowhar

jowhar

jowhar

Hablaha Media Network

jowhar

jowhar
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2011. jowhar - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger