Mid kamid ah xarumaha caafimaad ee magaalada Jowhar ayaa bilowday inay gargaar caafimaad gaarsiiso dadka barakacayaasha ah ee magaalada Jowhar.
Boqolaal qoys oo barkacyaal ah oo ku nool xeryo ku yaal magaalada Jowhar ayaanay jirin hay’ado ka caawiya dhinaca caafimaadka waxana ay adeeg caafimaad u doontaan isbitaalada magaalada Jowhar. Hase yeeshee xarunta caafimaadka ee Alabsaar Jowhar oo ka mid ah xarumaha caafimaad ee ka dhisan magaalada Jowhar ayaa bilowday barnaamij ay ku caawinayso qoysaska barkacayaasha ah.
Illaa iyo 150 ruux ayay baaris caafimaad iyo daweynba ka sameysay xaruntan iyadoo sidoo kale qaar ka mida ah wiilasha ku jira xeryahaas gudniin lacag la’aan ah ku sameysay. Kaaliye Sare Khaliif Maxamed Mocow ayaa sheegay in todobaad walba ay baaritaano ku sameyn doonaan bukaanada ku jira xeryaha barakacayaasha isla markaana wiilasha aan gudneyn ay ku sameyn doonaan gudniin lacag la’aan ah.
Qoysaska barakacayaasha ah ayaa u mahad celiyay rugta caafimaadka oo u qeybisay dawooyinka, iyagoo ka codsaday inay sii wadaan howlaha ay ku gargaarayaal shacabka Soomaaliyeed ee ku jira xeryaha barakacayaasha.
Qore : Yaxye Cali





Post a Comment